Ujeedada Imtixaanka ayaa ahaa Qiimeynta adrdada iyo ogaanshaha heerka ay ardadu gaarsiisantahay cilmiga iyo aqoontii lasiisyey.
Jaamacada Baladweyne ayaa marwalba u taagan wanaajinta iyo kobcinta warbarashada Ardada soomaaliyeed iyo soo saarka jiil waxbartay oo latartami kara asaagooda ku kala nool dunida dacaladeeda.




Wafdiga Jaamacada Baladweyn ka socday ayaa kulamo muhiima layeeshay Kuxigeenka Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Ustaad Maxamed Macalin waaxayna isku afgarteen kobcinta Xiriirka labada Jaamacadood iyo iska kaalmeysiga Horumarinta Cilmiga iyo Cilmibaarista iyo sidoo kale isdhaafsiga Aqooyahanada, khibradaha iyo Macalimiinta.
Kulanka ayaa ku soo dhamaadan sidii looqorsheeyey waxayna labada dhinac hoosta ka xariiqeen kubcinta iyo xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada Jaamacadood.




Ugu horayn hadaan milicsano ummadaha kala gadisan ee caalamkan kuwada nool, innaga oo ka eegayna sooyaalkooda siyaasadeed, dhaqaale, farsamo iyo waliba garaadka aqooneed ee bulsho, waxaa si fudud kuugu muuqanaya sawiro aad u kala duwan oo ku tusaya bulsho kasta halka ay ka joogto arrimahaas.Waana taas ta keentay in aduunkan oo mida iyo dadka ku nool oo Aadam wada dhalay in ay hadana u kala baxaan ummado horumaray, ilbaxnimo leh, waxna gumaysta iyo qaar kaloo dib u dhacay, aqoontoodu hoosayso lana gumaysto.
Hadaba waa makhraati ma doon in qofka fayoow durbaba ay maskaxdiisa kusoo degdegi su’aasha ah maxaa sababay in umadduhu sidaas u kala duwanaadaan.
Jawaabta oo kooban waa heerka aqoontooda oo kala sareeya. Wadamada horumaray waa ay ka aqoon, xirfad iyo ilbaxnimo badan yihiin kuwa kale, taasna waxaa kuu cadaynaya heerka ay ka gaadheen culuumta kala duwan iyo wax soosaarkooda.
Waxaad na ogaataa akhriska iyo saxiibkiisa dhabta ah waa qoraalka ee in ay yihiin furaha aqoontan la isku dhaafay. Iyadoo aynu wada ognahay sida ummadaha horumaray uga akhris iyo aqoon badan yihiin kuwa dib udhacay, waxaan tusaale fudud usooqaadanaynaa war bixin uu sanadkii 2014 daabacay wargayska Mental floss taas oo faraysa umad kasta iyo qof walboo hormar raadis ah inuu badiyo akhriska.
Waxaan ka soo qaadanaynaa Saddexda wadan ee caalamka ugu akhriska badan iyo inta saacadood ee
dadkoodu wax akhriyo todobaadkii celcelis ahaan.
1. India = 10 saac, 42 daqiiqo
2. Thailand = 9 saac, 24 daqiiqo
3. China = 8 saac
Hadaba akhristaw ma shaki baa kaaga jira in saddexdaas wadan ay hormar xawli ah ku socdaan? Mase ogtahay in ay ku jiraan hayaan dheer oo ay ku gaadhayaan umaddaha horumaray? Jawaabta adaan kuu dhaafi!
Hadii aan aragnay sida umaddaha aduunku ugu kala duwan yihiin akhriska in ay wax walbana ugu kala duwanyihiin, bal aan wax yar ka idhaahdo faa’iidada akhriska ee qof ahaaneed iyo ta bulsheed.
Ahmiyada akhrisku uma baahna sharaxaad badan waayo waa sida qorraxda oo kale cid caqli u saaxiibana kama qarsoona waa tay soomaalidu dhihi jirtay “waa baryay sacabo laguma qarin karo” oo kale. Waxaa kaloo iyana kugu filan Diinteena xaniifka ah meeqaanka uu akhrisku kajoogo, iyadoo quraan ka kariim ka ah Eebe SWC ku bilaabay “IQRA” Akhri iyo sidii saxaabadii Rasuulka SCW iyo culimadii hore ee islaamka agtooda uu ka ahaa akhrisku.
Tusaale fiicana waxaa inoo ah xiligii dawladii Cabaasiyiinta halka ay reer Baqdaad ka gaadheen akhriska iyo qoraalka iyo sidii dhalinta caalamku ugu xerayn jireen Baqdaad.
Hadaba hadii aan wax yar ka sheego faa’iidooyinka bulsheed ee qoraalka waxaa kamida:-
Isku soo duuduuboo, akhrisku waa furaha aqoonta iyo ilbaxnimada. Waxa uuna saamayn ogan kuleehay nolosha shaqsiga iyo ta bulshadaba.
Qofka akhriska u waaya wakhtina waa sida qofkii uu Dr. Sajid lahaa ‘waa qof wakhti u waayay cunada iyo cabitaanka oo kale!’.
Hadaba hadii akhriska saa umihiimsanyahay, saamayn togan oo balaadhana kuleehay shaqsiga iyo bulshada inagu kaalintee ayaan kaga jiraa akhriska? Shaki male in aynu heerka ugu hooseeya kaga jiro.
Waxaan kusoo gunaanadayaa aan akhriska galino waqtiga aan galinay Qaadka, Qabiilka iyo Fadhi-kudirirka, si aan ugaadhno hormar waara ummadaha qayrkeen ah na ula tartano.
Tixraac:
JJ Wong, Why Reading is so important.
99 Ways To Get Kids To Love Reading” Mary Leonhardt.
‘Al-Qiraa’a Ad-dakiyah, Dr Sajid Al-cabdali’
‘Muna axmed, ‘hadii aad ogaan lahayd faa’iida akhriska!’
W/Q: – Maxamed Badel Cali “Taqwiim”
]]>Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa?
Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo.
Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaan kaga gudub uun. Bal dib u eeg maado kasta ood u baratay si aad imtixaan ugaga gudubto. Marka aad imtixaanka maadadaa ka soo baxdo hal saac ka dib haddii imtixaan labaad lagaaga qaado, waxaa xaqiiqo ah inaanad u garanayn sidii hore, iskaba daa haddii ay maalmo, bilo ama sannado ka soo wareegaane.
Mar haddiiba niyadaada ay ku jirto imtixaanka kaga gudub, waxaa aad akhriyayso maskaxdu waxay dhigaysaa kaydkeeda ku meelgaadhka ah una gudbin mayso kaydka waarista ee mudada dheer.
Haddiise ay kaa tahay aqoon kasbasho iyo inaad naftaada, qoyskaaga, iyo ummadaadaba ku anfacdo haba yaraadee wuxuu u gudbi qaybta maskaxda ee kaydka waaraya. Taasaana ta kugu hadhaysa, hadhawna aad cidkale u sii gudbin karto.
Waa Maxay Tallaabooyinka Togan ee aad qaadi kartaa si aad u Diyaar garawdo?
Inta aanad imtixaanka gelin waxaa kuu taala hawl badan. “nin la sugayoow adna yaad sugi”. Goorma ayaad bilaabaysaa diyaar garawga imtixaanka? Ma maalinta imtixaanka? Ma wiig ka hor? Ma bil ka hor? Mise? Eeg qodobadan hoos ku qoran oo kaa kaalmaynaya sidii aad u diyaar garoobi lahayd.
Sidee ayaad Imtixaanka ugu Guulaysan kartaa?
Gunaanad
Ardayga wanaagsani waxbarashada hadaf buu ka leeyahay, ee kama aha qayrkaaba wuu bartaaye adna samee. Marka ay sidaa tahay ma noqonaysid imtixaan-u-noole. Imtixaan-u-noolayaashu way dhayalsadaan waxbarashada, way iska baashaalaan, marka dambana werwer, walbahaar iyo qulub ayaa u dhammaada. Waxaad arkaysaa goobta imtixaanka iyada oo ku soo hagaagi la’.
Ardayga ujeeddo wax u baranaya ee soo diyaar garoobayna waxaad arkaysaa isagoo hore u galaya goobta, buugta iyo waraaqaha iska fogaynaya, diyaarna u ah inuu cariyo maskaxda iyo xusuustiisa. Wuxuu filayaa inuu garanayo su’aalaha la waydiin doodon.
Ha noqon dadka werwera ee maskaxdu ka lunto marka goobta imtixaanka la yimaado. Is deji naftana u sheeg inaan mushkiladi jirin ee wax aad garanayso uun lagu waydiinayo.
Noloshaada iyo wakhtigaagaba qofshee si ay suuro gal kuugu noqoto inaad diyaar garawdo inta aan imtixaanba kuu iman, maalmaha imtixaankana waa inaad xooga saartaa meelaha muhiimka ah, waa inaad is imtixaantaa adiga oo odorosaya su’aalaha kuu iman kara, jawaabna u raadinaya.
Allah waxaan ka baryayaa inuu imtixaanada dunida iyo kuwa aakhiroba inoo fududeeyo.
Cabdiraxmaan Cali Xirsi (Buraale)
]]>
Hadaba halkaan kaga bogo talooyin ku saabsan sida loo maareeyo walwalka xiliga imixtixaanka
-Xiriir wanaagsan la samee Allah, waa xaqiiq in Allah yahay xaliyaha dhibaato kasta oo adoomadiisa soo wajahda. Talo saaro oo bari Allah.
-Si wanaagsan wax u baro. Macalimiita si fiican u dhegayso imtixiinkana u isku diyaari goor hore. Si wanaagsan oo wax loo bartaa iyo imtixaanka oo la isku diyaariyaa waqti hore waa furaha guusha imtixaanka iyo waxbarashada.
-Samee jimicsi joogto ah.
-Naso oo hurdo fiican qaado. Hurdo kugu filan oo aad seexaataa waxay muhiim u tahay caafimaadka jirkaaga iyo maskaxdaada. Hurdadu waxay kobcisaa xusuusta qofka.
-Quraacda haka tegin. Cun quraac nafaqo leh.
-Marka warqadda imtixaanka laguu dhiibo ku bilow bisinka Allah.
-Isha mari imitixaanka kuwa kuwa aad jawaabahooda hubto marka hore ka jawaab. Kalsoonidaada ayay
kordhinaysaa.
-Ha welwelin hana degdegin hadii ardayda qaar kaa hor dhamayso imtixaanka.
]]>